LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waxbadan ka ogow lacagta mustaqbalka loo guurayo(cryptocurrency)


Waxbadan ka ogow lacagta mustaqbalka loo guurayo(cryptocurrency)

 Kawaran hadii aad haysatid 1m oo dollar aysan jirin cid ogaan karta lacagtan aad haysatid,bangi ama xataa dawlad, sidookale cidna aysan kuwaydiinayn meesha aadka keentay, wax canshuur ah aysan kugu dhacayn sidookalena aad iskaga kala gooshaysid aduunka oodhan, adiga oo aan kawalwalsanayn su,aalo lagaawaydiinayo lacagta aad wadatid.

Waa jiilka cusub ee lacageen ee uu aduunku uguurayo sanado yar gudahood waxay noqondoontaa lacagta kaliya ee uuaadamuhu adeegsado waxay badalidoontaa lacag kasta oo aad manta taqaanid qofwalba oo awood uyeeshay inuu manta lajaanqaado oo uu wax ka iibsadana waa hubaal in sanado yar gudahood uu kamid noqondoono dadka kaliibaanay.

Crytocurrency waa lacag danabaysan ama digital ah oo aysan jirin cid maamusha waxay soo ifbaxday horaanta qarnigan iyadoo maqalka dadyowga caalamka ay soogaadhay intii udhaxaysay sanadkii 2008 ilaa 2009 markaas oo uu aduunka uu kajiray dhaqaalo burbur baahsan .

Lacagaha crytoga ayaa saamayn isbedel oo aad uweyn kusameeyey  dhaqaalaha caalamka iyo maalgashiyada suuqa, waxaa jira sadex nidaam  oo ay lagaartahay lacagtan

Mida 1aad ayaa ah inaytahay lacag digital ah oo aan lataabankarin

Mida 2aad oo ay lagaarka tahay ayaa ah inay tahay lacag decentralized ah.

Hadii aan sikale udhigno majirto cid maamusha oo canshuuraysa waana mida cabsida weyn kaqabaan dawladaha waaweyn .

Mida 3aad ayaa ah lacag lagasoosaaro computer oo afka qalaad lagu dhaho mining oo soomaali ahaan noqonaysa qodid, taasi oo aay samayn karaan dad ku takhasusay cilmigan.

Lacagtan ayaa kusoo bilaabantay qaab maalgashi ah iyadoo coinkii ugu horeeyey uu ahaa bitcoin oo aan lagaranayn ilaa hada qofka sameeyey yoolka ama ujeedada ay usameeyeen uu yahay inaytahay lacag dhexe oo aan jirin cid maamusha oo qofkasta uu xaq uleeyahay inuu kaydsado inta uudoono

Iyadoo aan laga qaadanayn wax canshuur ah oo aan lagusamayn Karin wax dabagal ah, una baahnayn wax bangi ah.

Haddii aynu milicsano noocyada ay ukala baxaan lacagaha cryptodu ayaa ah 4nooc oowaaweyn

Nooca 1aad ayaa looyaqaana coin oo ah lacagleh blogchain iyada ugaar ah waana sida bitcoin

Nooca 2aad ayaa laydhaahdaa stable coin waa lacago aan dhaqaaqin  hadii aan sikale udhigno waa lacag uusan qiimaheedu isbedelin sida coinska loo yaqaano usdt iyo usdc.

Nooca 3aad waxaa looyaqaanaa token oo ah wixii kasoohadha bitcoin maxaa yeelay suuqa crypto waxaa manta kujira wax kabadan 30k oo lacagood ama coins ookaladuwan

Nooca 4aad waxaa loo yaqaaan memo coin waa lacago sikaftan ah loosameeyo iyadoo aan badankood suuqa kusii jirin yoolka lacagtaas loo abuuray ayaa ah inlagu tradegareyo waxaana ugu caansan lacagta dogcoin.

Haddii aynu isla ogaanay noocyada lacag ay ukala baxdo hadana aynu isla fiirino bitcoin oo ah lacagta ugu caansan uguna qaalisan lacagaha cryptoda ah bitcoin  ayaa ahayd lacagtii ugu horeysay ee laga sameeyo cryptocurrency  iyada oo lasameeyey sanadkii 2008dii waxayna soobaxday 2009kii iyada oo aan la ogayn ilaa hada qofkii sameeyey balse waxa kaliya ee soo shaacbaxay ayaa ah innin magaciisa lagusoo koobay satoshi nakamoto uuyahay qofka sameeyey lacagtan bitcoin mana jirto qof cadaynkara inuu qof ama koox dad ah uu yahay magacani.

Sanadkii 2010kii 1ka bitcoin qiimaheedu wuxuu ahaa 1dollar balse manta oo ay taariikhdu tahay 2024 dhamaadkeeda 1ka bitcoin wuxuu marayaa qiimo ah 93k oo dollar iyada oo marketcapka ama qiimaha guud ee bitcoin ay hada marayso 1.3trillion oo dollar.

Lacagtan ayay shirkadaha waaweyn iyo dawladuhu kutartamayaan inay maalgashadaan oo ay maamulaan.

dawladaha ugu horeya xaga kaydsiga:

Dalka maraykanka ayaa ah dalka haysta bitcoinka ugu badan iyada oo lagu qiyaaso 213k oo bitcoin

China ayaa isaguna haysta 190k oo bitcoin

Boqortoyada ingiriiska ayaa haysta 61k oo bitcoin .

Sidokale

1.germany

2.rushka

3.imaaraadka

4.japan

5.turkeyga

6.silvador

7. Venezuela

Ayaa iyaguna haysta bitcoin, marka aynu kahadlayno lacagaha cryptocurrencyga waxaa muhiim ah

In qofka raba inuu suuqa soogalo uu horta fahan guud kaqaato tignolojiyada looyaqaano blockchain

Oo ah tiknolojiyad shaacbaxday qarnigan 21aad taasi oo noqotay tiknolojiy wax badan kabadashay caalamka uga shaqaysa qaab decentralized ah oo aan lahayn cid xogteeda maamulaysa  sida hada jirta dhamaan xogaha hada internetka kujira waxaa maamula shirkado ama dawlado, balse tiknolojiyadan cusub ayaa meesha kasaaraysa in xogtaada iyo lacagtaada ay cid sadexaad ogaato waxayna lajaanqaadaysaa nidaamka internet ee cusub ee looqayaan website3.0.

Marka aynu joogno crypto, blockchain ayaa door muhiin ah kaqaadata kala iibsiga coinska iyada oo coinwalba uu kudhisanyahay blockchain isaga ugaar ah.

 

Tusaale : ahaan bitcoin waxay leedahay blockchain ugaar ah, labada qof ee isku diraya bitcoin waxaa xogtooda kaydinaysa blockchainka bitcoin .

Waana tiknolojiyada mustaqbalka lasaadaalinayo inloo socdo waxayna ukala baxdaa

Labo qaybood oowaaweyn oolakala yiraahdo

Public key iyo private key:

Kuwaasi ookala ah:

1.public key: oo ah xog dadka oodhan kawada dhaxaysa ama haddii aan sikale udhigno waa xogta muuqata iyadoo tusaalaha ugu macquulsan aytahay transactionska bitcoin ama qiima isdhaafsi suuqa ee manta bitcoin kadhacday iyada oon la arkayn qofka diray ama qofka loo diray ayaad hadana daalacankartaa

2.private key: ayaa ah mida shakhsiga ah ee qarsoon sida inta bitcoin ee aad haysatid, diiwanada aad dirtay  iyoqofka aad udirtayba.

Hadii aan soo ogaanay fahanka waxay ay tahay cryptocurrency, hadaba hada aynu isla eegno  10ka coin ee ugu qaalisan lacagaha.

10ka coin ee ugu horeeya ama ugu qaalisan suuqa:

1.Bitcoin: oo hada ah lacagta ugu qaalisan ayaa 1kii xabo hada maraysa 93k oo dollar, iyada oo qiimaha guud aytahay 1.6trillion oo dollar

2.Ethereum: oo ah coinka 2aad ee ugu qaalisan ayaa qiimihiisu gaaraya 3220dollar qiima guud 387billion

3.BNB: ayaa ah coinka 3aad ee ugu qaalisan 630dollar

4.Solona: oo ahcoinka blockchainkiisu ay ugu caansantahay marka loo eego coinska kale ayaa 1kii xabo qiimaheedu marayaa 210dollar

5.Tether usdt: oo ah lacag stable coin ah ayaa 1xabo qiimaheedu gaarayaa 1dollar

6.Usdc:oo isaguna ah coin stable ah ayaa 1xabo qiimihiisu marayaa 1dollar iyadoo qiimaha guud tahay 35billion oo dollar

7.dogecoin :oo ah coin memo ah ayaa 1xabo lagu kala iibsadaa 0.1dollar halka marketcupkiisuna uu yahay 15billion oo dollar

8.ton coin:isaguna 1kii xabo qiimihiisu marayaa 5dollar iyadoo qiimaha guud yahay 13billion oo dollar

9.xrp:ayaa 1kii xabo qiimaheedu marayaa 6cent halka wadarta guud ee kujirta aytahay 34billion oo dollar

10.shib coin:oo ah coinka udanbeeya ayaa 1kii xabo qiimaheedu yahay 0.000025 halka qiimaha guud yahay 15billion oo dollar

Gunaanadka:

Hadaba akhriste aragtidaada maysleedahay lacagaha cryptocurrencygu way badalidoonaan lacagaha aynu hada adeegsano mase lagayaabaa inay noqdaan lacago ay aqoonsadaan dalalka iyo dawladaha oodhan lagana isticmaalo goobaha ganacsiga se manoqondoonaan lacago amni ahaan laysku halleeyo.

Post a Comment

0 Comments