LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qorshaynta 2025.


Qorshaynta 2025.

Marka layidhaahdo waxaa la qorshaynayaa sanadka cusub

Dadku waxay is waydiiyaan muxuu yahay qorshe laakiin waa muhiim inay naftaadu

Yeelato qorshe markastaba iyo waxkastoo aad qabanaysid, baranaysid ama aad kashaqaynaysid

Qorshayaasha 2025 waxay ku xirnaan doonaan baahiyahaaga, hadafkaaga, iyo meesha aad dooneyso inaad ka gaarto nolol ahaan ama shaqo ahaan. 

Si aad u sameysato qorshe xooggan oo sannadka 2025 ah, waa inaad samaysataa jadwal sanadle ah, bille ah iyo mid isbuucle ah:

1. Hadafkaaga Shaqsiga ah:

Go'aanso waxyaabaha aad rabto inaad ku horumariso, sida caafimaadka, waxbarashada, xiriirka qoyska, barashada xirfadahakala duwan ama horumarinta shakhsiga.

2. Shaqo iyo Ganacsi:

Hadafyo cusub oo shaqo ama ganacsi la xiriira.

Barashada xirfad cusub ama kobcinta midda aad horey u lahayd.

Maalgelinta fursado cusub ama bilaabista mashruuc ganacsi.

3. Maalgelinta iyo Dhaqaalaha:

Sameyso qorshe maaliyadeed oo sanadle ah.

Kaydi lacag, yaree kharashaadka aan muhiimka ahayn.

Raadi fursado maalgelin oo cusub.

4. Horumarinta Bulshada:

Dhinaca bulshada waxaa jira shaqooyin iskaa wax uqabo ah oo bulshada loogu adeegayo, waxaa muhiim ah inaad kaqayb qaadato waayo waxaad xidhiidh kahelaysaa bulshada noocyadeeda kaladuwan, isla markaana waxaad isku baranaysaan dadyow kala duwan.

Dhexgalka bulshadu markasta waxay leedahay faaiidooyin iyo xog isweydaarsi taasoo kuu noqonaysa khibrad iyo waayo aragnimo.

Dhis xiriir wanaagsan oo bulshadaada kugu xidhaysa.

5. Waxbarasho iyo Tababar:

Siiwad waxbarashadaada ama ku biir koorsooyin xirfadeed.

Horumarinta xirfadahaaga teknoolojiyadda, maamulida iyo farsamooyinka ay ubaahantahay xirfadaadu inaad ku hagaajisid.

Hadafkaagu waxa uu noqon karaa mid kuu gaarka ah adiga, laakiin waxaa muhiim ah inaad la timaaddo qorshe faahfaahsan, jadwal go'an, iyo kormeer joogto ah si aad u xaqiijiso horumarkaaga.

Waa inaad kadheeraataa waxyaabaha wakhtiga kaa luminaya iyo azxaabta aankuu fiicnayn, waayo  waatii horey loodhahay qof markaad rabtid inaad ogaatid markahore asxabtiisa eeg, sidookalena waa inaad lasaaxiibtaa, asxaab aad isku hadaftihiin oo yoolkaaga kuu dhawaynaya.

Post a Comment

0 Comments