LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Heshiiska shidaalka somalia ee turkeyga



 Waa maxay Heshiiska shidaalka somalia ee turkeyga?

Waxa aynu kahadli doonaa shidaalka soomaaliya iyo qaabka uu heshiiska caalamigu yahay.
Waa maxay sababta uu turkigu u qaadanayo 90% shidaalka soomaaliya, iyo dalalka soo maray xaaladan ay maanta ku jirto soomaaliya.

Meesha ugu weyn ee muranka keenta waa sida uu turkigu kuqaatay 90%, waxayna dad badani u fasirteen in 90% faaiidada kasoo baxda shidaalka uu turkigu sanadkasta qaadanayo.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in turkigu 90% uu qaadanayo inta uu dib ugasoo ceshanayo kharashaadkii kagalay sahaminta, qodista, qalabaynta iyo hawlgalka lagu raadinayey shidaalkan.

Marka kharashaadkaas bixintiisa ladhameeyo waxa hadhay ee lasoo saaro waxaa looyaqaan faaiidada shidaalka ama (profit petroleum).

Sida kuxusan heshiiskan taasi oo si wadaag ah ay uqaybsanayaan soomaaliya iyo turkigu oo ay matalayso shirkada hawlgalka wadda ee (turkish petroleum).

Nidaamkan ah in shirkad ama dawlad ay kasahamiso shidaal kana baarto dal aan dalkeeda ahayn, iyada oo uusan dalkaasi wax kharash ah bixinayn ayaa looyaqaan nidaamka kharash soocelinta, 

oo ah in dalkan ama shirkadan ay bixiso dhamaan kharashaadka kubaxaya shidaal qodida sidookalena ay keento qalabka shidaalka lagu baarayo, iyada oo dhabarka utuuranaysa dhamaan kharashaadka kadhalanaya hawlgalkan.

Taa badalkeeda marka shidaalka lasoo saaro waxay qaadanaysaa qoondada lagu heshiiyey ilaa ay kasooceshanayso dhamaan kharashaadkii kabaxay.

Sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan kuwa kujira badda hoosteeda ayaa ah hawlgal ubaahan kharashaad aad ubadan, khatartiisuna ay aad usarayso.

Qodista hal ceel oo badda ah waxay mararka qaarkood ay kukacdaa inkabadan 100M oo dollar, hadaba qaabdhismeedkan kharash soocelinta ah ayaa suurtogal kadhigaya in dalku uu helo maalgalin caalami ah isaga oo aan wax khatar ah galin balse weli siihaysta lahaanshiyaha khayraadkiisan.

Dalka EMIRATKA sanadkii 1958dii ayaa markii ugu horeysey lagahelay ceelal shidaal, waxaana lagahelay ceelkii ugu horeeyey imaarada abuu dabey kudhawaad 4sano ayay kuqaadatay inay EMARATKA in sirasmi ah ay shidaalkooda udhoofiyaan oo sanadkii 1952dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee ay shidaalkooda caalamka usuuqgeeyaan.

EMAARATKU maadaama uusan xiligaas haysan dhaqaale xoogan wuxuu kadalbaday shirkad ingiriis ah oo lagu magacaabo BRITISH PETROLEUM inay usoosaarto shidaalka.

Waxay shirkadan britishka ah lashaqaynaysay shirkado kale oo ajaaniib ah oo kumidaysnaa shirkad layiraahdo ABU DHABI PETROLEUM, bilowgii hore ee heshiiskan saamiga emaaratku kahelay faaiidada kasoo baxda shidaalkooda waxa uu ahaa mid aad uyar oo aan dhaafsiisnayn 10% ilaa 15%.

Dhamaadka sanadkii 1970kii emaaratku wuxuu bilaabay inuu qarameeyo shirkadihii shidaalka waxayna abu dhabi lawareegtay 60% saamigii shirkadaha shidaalka soosaarayay, taasi oo keentay in saamaynta shirkadahan ajaaniibta ah ay aad hoos ugu dhacdo.

Maanta shirkadihii ajaaniibta ahaa  ee markii hore qaadanayey 90% faaiidada shidaalka weli waykasii shaqeeyaan gudaha emaaraatka laakiin shaqadoodu waxay ku koobantahay adeeg bixiyayaal oo kaliya,

iyaga oo kacaawiya farsamada oo kaliya manalaha ceelal ay maamulaan iyo shidaal iyaga hoostaga waxayna ushaqyeeyaan shirkada qaranka ee looyaqaan ADNOC.

Hadaba guntii iyo gunaanadka qoraalkeenan, heshiiskan inkasta oo aysan mirihiisa dhaqaale soomaalidu ay dagdag ugurandoonin hadana waxaa hubaal ah in haddii siyaasiyiinta dalka somalia ay kudaraan aragti fogaan iyo istaraatijiyad cad in ay sanooyin yar gudahood ay faaiidada dhaqaale ee kasoo xeroota ceelashan iyo waxsoosaarkooduba uu sidhamaystiran ugu dhicidoono qasnada dawlada somalia.

Silamida tijaabadii ay soomareen dawladaha sucuudiga iyo emaaratka.

Aragtidaada akhriste heshiiskan manoqondoonaa mustaqbalka mid ay dan ugu jirto soomaalida,mise wuxuu noqondoonaa mid shakhsiyaad cayiman ay kafaaiididoonaan nagulawadaag aragtidaada  qaybta hoose ee commentiga.

Haddii ay ku qancisay xogtayadanna ha ilaawin inaad lawadaagto asxaabtaada sidookalena aad noo share garaysid boggayagan.    

Post a Comment

0 Comments